Man United & Inter Milan Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ugu Dambayn Meel Saareen Mustaqbalka Alexis Sanchez.

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn Ogolaatay in ay Inter Milan si toos ah ula wareegto xiddiga Alexis Sanchez.

Xiddiga reer Chile ayaa amaah ku qaatay kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 10 gool iyo 12 caawin tartamada oo dhan.

Wargayska Corriere della Sera ayaa sheegaya in ay labada kooxood haatan si Rasmi ah uga heshiiyeen in uu xiddigu si toos ah ugu wareego Inter Milan.

Inter Milan ayaa bixi doonta lacag dhan 13 milyan oo euro waxana la filayaa in lagu dhawaaqo saxiixa kadib kulanka Getafe ee Europa League.

Heshiiskan ayaa soo afjaraya 6 sano oo uu Sanchez joogay Premier League kadib markii uu ku fashilmay kooxda Man United kadib markii uu kaga biiray Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*