Man United Diyaarinaysa Heshiis 5 Sano Ah Oo Ay Ka Saxiixanayso Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Serie A-da

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay si xor ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Ac Milan ee Hakan Calhanoglu kaas oo ay doonayso in ay ka saxiixato heshiis 5 sano ah.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 4 kale 8 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Turkey ayaa xor noqon doona xagaaga marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Ac Milan waxana uu diidan yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay United xiiso u qabto saxiixa xiddiga reer Turkey marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*