Man United & Chelsea Oo Ogaaday Qiimaha Lagu Heli Karo Saxiixa Declan Rice

West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay dul dhigtay 80 milyan oo euro madaxa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice iyada oo xiddiga lala xidhiidhinayo xiddiga kooxda Man United suuqa xagaagan.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore sidoo kale waxa uu qaab fiican ku soo bandhigay xulka England tartankii euro 2020.

Rice ayaa la sheegayaa in uu iska diiday heshiis cusub oo ay West Ham u soo bandhigtay kooxaha Man United iyo chelsea ayaana xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer England.

Waxa jirta in ay Kooxda West Ham dalban doonto lacag dhan 100 milyan oo euro laakiin sida laga soo xigtay wargayska Eurosport, Kooxda West Ham ayaa hoos uu dhigtay qiimaha.

Declan Rice ayaa kooxda West Ham kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 waxana uu kooxda u saftay 145 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 5 gool 5 kalena caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*