Man United & Chelsea Oo Bar-Baro Isku Dhaafi Waayay Kulan Lagu Caajisay.

Kulan aan lagu raaxaysan qaybtiisii hore ayaa dhexmaray kooxaha Man United iyo Chelsea kana dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa ku bilowday si aad u hoosaysa iyaga oo u muuqday kuwo kala baqaya oo iska ilaalinaya in gool laga dhaliyo kulanka.

Chelsea ayaa iyadu maamulaysay ciyaarta laakiin Man United ayaa ahayd kooxda fursadaha badan iyaga oo goolhaye Mendy ku qasbay in uu sameeyo badbaadooyin uu ku ilaashanayo goolkiisa.

Blues ayaan qaybtii hore samayn wax fursad ah oo la taaban karo iyada oo kubadoodu ku dhimanaysay daafaca kooxda Man United.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood u bexeen sidii ay u soo ula soo tashan lahaayeen labada tababare.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid laguba sii caajisay iyada oo ay kaliya United isku dayaysay in ay wax ka badasho natiijada ciyaarta.

Chelsea ayaa dhankeeda ku dhibaatoonaysaysay in ay kubada horay u wado iyaga oo aan samayn wax fursado la taaban hagaagsan.

Kooxda Frank Lampard ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta madaxa kor u qaaday iyaga oo Man United ku qaaday weeraro joogto ah iyaga oo doonayay gool ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan laakiin uma suurtagalin in ay wax gool ah dhaliso.

Marcus Rashford ayaa isku dayay in uu kubad ku soo wareejiyo goolka Chelsea laakiin Goolhaye Mendy ayaa si cajiib ah goolkiisa uga badbaadiyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah iyada oo uu Goolhaye Mendy noqday Xiddiga Ugu fiican Kulanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*