Man United, Chelsea Mise Real Madrid? Xiddiga Erling Haaland Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu doorbidayo ku biirista kooxda Real Madrid halkii uu ku biiri lahaa kooxaha Man United iyo Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga da’yarka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Dortmund tan ilaa markii uu ku soo biiray suuqii January taas oo keentay in ay kooxaha waaweyn xiiso u muujiyaan.

Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Haaland Suuqii January laakiin waxa uu ka doortay kooxda Borussia Dortmund.

Kadib qaab ciyaareedka fiican xiddiga ayaa xiiso ka helay kooxo waaweyn oo reer yurub ah kuwaas oo doonayay in ay ku xoojiyaan weerarkooda.

Laakiin wargayska abc ayaa sheegaya in uu Erling Haaland doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu ka hoos shaqeeyo tababare Zinedine Zidnae.

Sii Akhriso: Sheeko La Yaab Leh: Nin Muslim Ah Oo Loo Diiday Dhalasho Dalka Jarmalka Ah & Sababta Oo La Ogaaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*