Man United, Chelsea Mise Liecester City? Alan Shearer Oo Saadaaliyay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Dhamaysiga Boosaska Champions League.

Alan Shearer ayaa saadaaliyay in Manchester United ay aad ugu dhowdahay in ay ku soo baxdo 4-ta kooxood ee ugu sareeya horyaalka premier League marka loo bar-bar dhigo kooxaha Chelsea iyo Leicester City.

Red Devils ayaa hada ku jirta kaalinta shanaad ee horyaalka kadib markii ay Isniintii iska khasaarisay fursad ay kaalinta 3-aad ku gali lahayd kadib bar-barihii 2/2 ahaa ee ay la gashay Southampton.

Leicester City ayaa haatan kaalinta 4-aad ku jira iyaga oo Man United goolal kaga horeeya inkasta oo ay Leicester City qaab xun ku jirto tan illa markii dib loogu soo laabtay horyaalka.

Chelsea ayaa iyadu haatan dib ugu soo laabatay wadada guulaah iyaga oo 4 dhibcood ka sareeya kooxaha Leciester City iyo Man United kadib guushii 1/0 ahady ee ay ka gaadheen Norwich City.

Iyadoo kaliya seddex kulan ay ka harsan tahay dhamaadka xilli ciyaareedka Premier League, Shearer ayaa aaminsan in ay hal koox haysato faa’iido weyn sabab la xidhiidha kulamada u hadhay iyo qaab ciyaareedkooda.

“Waxaan u maleynayaa in Man United yihiin kuwa ugu cad-cad, waa kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta”ayuu Shearer u sheegay Premier League Productions.

“Waxan u malaynayaa in ay Niyad jabi doonaan hadii ay dhibco lumiyaan laakiin wali gacmohooda ayay ku jirtaa fursadoodu”.

“Hadii ay badiyaan dhamaan 3-da kulan ee u hadhay waxa ay galayaan 4-ta boos ee ugu sareeya waxana ay haystaan xiddigo ka caawin kara arintaas”.

“Dhirbaaxo ayay ku ahayd in ay dhibco lumiyaan kulankii Southampton Laakiin boodhka ayay iska jafi doonaan waxana ay u diyaar garoobi doonaan khamiista”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*