Man United, Chelsea, Man City, Liverpool Mise Real Madrid? Jude Bellingham Oo Loo Sheegay Kooxda Ay Tahay In Uu Ku Biiro & Sababta.

Goolhayihii hore ee Manchester United Ben Foster ayaa ku booriyay Xiddiga khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham inuu iska diido u dhaqaaqista Kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Real Madrid kuna biiro Man United.

Bellingham ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican booskiisa waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo waaweyn kana mid yihiin Real Madrid, United, Manchester City, iyo Liverpool.

Xiddiga ayaa diyaar u ah in uu isaga tago Dortmund xagaaga iyada oo la filayo in lacag badan laga baxiyo marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Foster, oo u soo ciyaaray Manchester United intii u dhaxaysay 2005-2010, ayaa qaba in Bellingham uu doorto kooxda Red Devils iskana diido kooxaha kale sabab la xidhiidha in uuna boos ka heli karin.

“Aniga shaqsi ahaan, waxaan jeclaan lahaa in uu ku biiro Man United”ayuu Yidhi

“Waxa aan aaminsanahay in uu wax weyn ku soo kordhin doono Man United waliba uu si joogto ah u ciyaari doono isla markaas heli doono masuuliyad weyn marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale”.

“Waxa aan ka wal-walayaa in hadii uu tago kooxaha kale in uuna noqon doonin xiddiga ugu muhiimsan kooxda laakiin hadii uu United tago waxa uu noqon doona xiddiga ugu muhiimsan”ayuu sii raaciyay.