
Kooxda Man United ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhameysato booskii ugu xumaa ee premier League.
supercomputer ayaa Man United u saadaaliyay in ay ku dhameysato booskii ugu xumaa ee premier League xilli ciyaareedkan.
Red Devils ayaa ku bilaabatay qaab ciyaareedkeedii ugu xumaa xilli ciyaareedkan ka dib markii ay sideed dhibcood ka heleen todobadii kulan ee furitaanka.
Waxa ay jabiyeen rikoor ay dhigeen sanadkii hore, waxaana ay ku jiraan kaalinta 14-aad ee kala sareynta ka dib markii ay barbaro 0-0 ah la galeen Aston Villa.
Erik ten Hag ayaa waxaa saaran cadaadis sii kordhaya iyadoo United ay u muuqato inay ka sii dartay iyaga oo ku jira xilli ciyaareed ka xun midkii xilli ciyaareedkii hore.
Waxay ku dhameysteen kaalinta sideedaad xilli ciyaareedkii hore iyaga oo helay 60 dhibcood laakiin waxa loo saadaaliyay in ay heli doonaan dhibco ka xun dhibcihii ay heleen xilli ciyaareedkii hore.
supercomputer ayaa Man United u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonaan kaalinta 9-aad iyaga oo heli doona 55 dhibcood.
Waxa la saadaaliyay in laga badin doono 15 kulan isla markaas 19 dhibcood ka hoosayn doona 4-ta boos ee ugu sareeya.
Tartanka horyaalka ayaa la filayaa in uu aado maalinta ugu dambaysa laakiin waxa loo saadaaliyay in ay Arsenal ku guulaysan doonto premier League.
Arsenal ayaa loo saadaaliyay in ay hal dhibic horyaalka kaga qaadi doonto Man City halka ay Liverpool ku dhamaysan doonto kaalinta 3-aad ee kala saraynta.
Kooxda chelsea ayuu supercomputer u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonaan kaalinta 4-aad ee kala saraynta.
Be the first to comment