Man City Way Ku Guulaysan Lahayd Horyaalka Hadii Ay Heli Lahayd Halkan Xiddig, Waliba Shaki Kuma Jireen.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in ay Man City ku guulaysan lahayd horyaalka premier League xilli ciyaareedkan hadii ay la soo saxiixan lahayd xiddiga Harry Kane suuqii xagaaga.

Man City ayaa xagaagii wayday xiddiga Sergio Aguero kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskiisa isaga oo ku biiray kooxda Barcelona.

Kooxda Man City ayaa lala xidhiidhinayay weeraryahanka Harry kane si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedkan laakiin Tottenham ayaa diiday in ay xiddiga ku iibiso wax ka yar 150 milyan taas oo keentay in uu iska sii joogo kooxdiisa.

Isaga oo la hadlaya Sky Sports, Gary Neville ayaa yiri: “Waxaan si sax ah u ammaanay shaqaalaysiinta Man City sanadihii ugu dambeeyay iyo waliba in uu Pep Guardiola qaab ciyaareed fiican ka soo saaray laakiin in ayna helin weeraryahan suuqii xagaaga waxa ay igu noqotay la yaab”.

“Kadib bixitaankii Sergio Aguero lama filaan iguma ahayn in ay u baahantahay weeraryahan sababta oo ah Gabriel Jesus ma ahan mid uu Guardiola ku kalsoonyahay, umayna dhaqaaqin Harry Kane”.

“Hadii ay Man City la soo saxiixan lahayd Harry Kane, hada ayaan kuu sheegayaa horyaalku waxa uu gali lahaa gacantooda sababta oo ah Harry waa dahab, waxana uu meesha ka saari shakiga ku jira hanashada Man City ee horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ragga Mise Dumarka? Keebaa Kalgacal badan Marka Uu Jacaylka Ku Dhoco?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*