Man City Oo Xasuuqday Newcastle , Waa Ay Ku Xanaaq Furteen Xilli Ciyaarta Aheyd Hal Dhinac Ah.

Man City ayaa xasuuqday Newcastle oo ay uga talaabsadeen 5 gool , waxa uuna guud ahaan kulankaas ahaa mid hal dhinac ah

Qeybtii hore waxaa lagu nastay laba gool , waxa ayna City ahaayeen kuwo waday cadaadis aan kala joogsi laheyn waxa ayna kubadda ku hayeen aagga goosha Newcastle

Newcastle , waa adkeyd in ay horay u soo dhaqaaqaan kaliyana daafac ayay ku jireen mana aheyn mid joojin karay halista weererka City

Kubad deg-degsiimo , baasas gaagaaban , mana jirrin wax laga qoro ciyaarta maadaama ay aheyd mid hal dhinac ah .

Waxa xusid mudan marka laga yimaado kulanakan , in City wax guul darro ah kala kulmin Newcastle 15-kii kullan ee ugu dambeeyay iyadoo la joogo qalcadda Etihad

City waxa ay kulankaan ku wacnaayeen kubad haysashada , niyad ahaan aad ayay u wacnaayeen kulankaas , waxaana goolasha dhaliyay Gabriel Jesus, Riyad , David Silva , Raheem , halka midna ay si qaldan isaga dhaliyeen Newcastle waxaana sidaas sameeyay Federico Fernandez

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*