Man City Oo Xasuuqday Liverpool Kulan Aan Waxba Loola Hadhin Kooxda Ku Guulaystay Premier League.

Kooxda Man City ayaa xasuuq aan loo kala hadhin kula kacday kooxda Liverpool ee ku guulaystay horyaalka premier League kana dhacay garoonka Etihad Staduim.

Kulanka ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee ay Liverpool ciyaarta tan ilaa markii todobaadkii hore loo caleemo saaray horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay waliba 22-kii daqiiqo ee ugu horeeyay samaysay fursado badan oo fiican kuwaas oo halis galiyay goolka kooxda Man City.

Reds ayaa ugu cad-cadayd in ay goolka ku hor marto waliba Man City ka dhaliso gool wakhti hore ah marka la eego sidii ay u ciyaarayeen iyo qaab ciyaareedkoodii fiicnaa.

Laakiin daqiiqadii 24-aad ayay wax walba is badaleen kadib markii Man City loo dhigay rikoodhe goolkana u dhaliyay xiddiga Kevin De Bruyne kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Liverpool ayaa sida iska cadayd kulankan ku dhibaatoonaysay dhanka fursadaha in ay gool u badasho iyaga oo helay fursado fiican laakiin aan wax gool ah ka dhalin.

Xiddigii hore ee Liverpool Raheem Sterling ayaa daqiiqadii 35-aad dhaliyay goolka 2-aad ee Man City isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay City ku hogaaminayso ciyaarta.

Ka hor intii ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 45-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City wakhti horeba kooxda ku guulaystay horyaalka Afka dhulka u galisay wakhti horena dishay ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Man City maamulaysay dhanka kubad haysashada halka Xiddigaha Liverpool u muuqdeen kuwo wakhti horeba is dhiibay oo aan wax rajo ah lahayn ciyaarta.

Laakiin Reds ayaa wali sii waday helista fursado fiican taas oo ku dambaynaysay hal bacaad lagu Lisay kuna fashilmayeen in ay gool ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 66-aad ayay Man CIty heshay goolka 4-aad ee ciyaarta iyada oo uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Liverpool iyo Man City ayaa sii waday dadaalka iyaga oo sameeyay fursado fiican oo goolal laga dhalin karay laakiin ayna midkoodna gool u badalin fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhmaatay ciyaarta oo ay Man City sidaas Liverpool dhabarka ugu saartay guul daradii 2-aad ee xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*