Man City Oo Warbixin Ka Soo Saartay Kooxdeeda Ka Hor Kulamada Chelsea Iyo Man United.

Kooxda Man City ayaa warbixin ka soo saartay xaalada kooxda kadib markii la dhamaystiray baadhitaanka kooxda 1-aad ee xanuunka Korona kadib markii la baadhay xiddigaha iyo waliba shaqaalaha tababarka.

Kooxda Man City ayaa xidhay garoonkeeda Etihad iyo waliba garoonka tababarka Isniintii kadib markii xiddigo laga helay xanuunka Korona.

Sidoo kale waxa la baajiyay kulankii Everton ay la ciyaari lahayd sabab la xidhiidha xanuunka Korona iyada oo baadhitaan la mariyay dhamaan xiddigaha iyo shaqaalaha tababarka kooxda 1-aad.

Man City ayaa warbixin ku soo saartay”Waxa ay Man City xaqiijinaysaa in dib loo furay garoonka tababarka kooxda maanta oo Arbaca ah”.

“Waxa muhiimadeena 1-aad ah caafimaadka xiddigaha kooxda iyo cid walba oo aan masuulka ka nahay”.

“Waxa 48-kii saac ee la soo dhaafay baadhitaan lagu sameeyay xiddigaha kooxda waxana aan xaqiijinaynaa in aanan cid kale laga helin xanuunka”.

Warkan ayaa imanay ka hor kulamada chelsea iyo Man United ee ay Man City la ciyaari doonto premier League iyo Semi-final-ka Carabao Cup-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*