Man City Oo War Fiican ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Jack Grealish, Maxaa Cusub.

Kooxda Aston Villa ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Leon Bailey kaas oo ay u doonayaan badalka Jack Grealish.

Kooxda Man CIty ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga Jack Grealish kaas oo uu Pep Guardiola doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Man City ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Aston Villa si ay uga helaan saxiixa xiddiga Jack Grealish si ay ugu xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay ku dhawaanshaha Aston Villa ee xiddiga Leon Bailey war fiican u tahay kooxda Man City kuwaas oo ku sii dhawaanaya saxiixa Xiddiga Jac Grealish.

Hadii ay Aston Villa maalmaha soo socda ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Leon Bailey kooxda Man City ayaa loo ogolaan doonaa in ay dhamaystirto saxixia xiddiga Jack Grealish.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*