Man City Oo Tababare Pep Guardiola Ku Khilaafsan Badalka Sergio Aguero & Xiddiga Ay Badalkiisa U Doonayaan Oo La Ogaaday.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska dirto Gooldhaliyeheeda Taariikhiga ah ee Sergio Aguero si ay badalkiisa ugu dhaqaaqaan xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo xiddiga Erling Haaland si uu badal ugu noqdo xiddiga Sergio Aguero laakiin Maamulka Man City ayaa doonaysa in ay badalka Aguero ka dhigaan xiddiga Lionel Messi.

Aguero ayaa haatan ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Man City waxana uu ku dhibaatoonayaa dhaawacyo isaga oo aan wax kulan ah u ciyaarin kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Inter Milan ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga 32 jirka waxana uu Guardiola doonayaa in uu badalkiisa ka dhigo xiddiga Haaland laakiin Maamulka Man City ayaa doonaya Lionel Messi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*