Man City Oo Sii Wada Natiijooyinkeeda Fiican Guulna Ka Gaadhay Burnley.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay saddex dhibcood oo ay ka horreyso Manchester United oo xalay lasoo simantay.

City ayaa guul dahabi ah oo ay ka gaadhay Burnley oo ay ku garaacday 2-0 iyadoo marti u ahayd, waxay ku xaqiijisatay inay sii dheeraysato hoggaanka horyaalka Premier League.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa gool-dhalinta u furay Manchester City daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta, markaas oo uu madax ku qabtay kubbad uu iska soo tufay goolhaye Nick Pope, taas oo uu marka hore ku toogtay Bernardo Silva.

Raheem Sterling oo ay dafirtay gool dhalintii badnayd ayaa goolka labaad u saxeexay kooxdiisa Man City daqiiqaddii 38aad, waxaanu goolka ku leexiyey kubbad uu dhinaca kasoo jabiyey lkay Gundogan.

Tababare Pep Guardiola oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Kevin de Bruyne, Nathan Ake iyo Sergio Aguero ayaa isbeddelo ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Sheffield United Sabtidii, waxaanu difaaca kusoo bilaabay Stones iyo Diaz, halka dhinacyadana uu keenay Laporte iyo Cancelo.

GOOOOAAAALLLL!!! 1-0 MANCHESTER CITY. JESUS!!!! – Daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta ayay Manchester City bilowday dabbaal-degga, markaas oo kubbad gantaal ahayd oo uu Silva ku gootay goolka Burnley uu goolhaye Pope iska soo celiyey, waxaanay u tagtay Gabriel Jesus oo madax awood badan iskula tuuray, kuna hubsaday shabaqa.

Man City ayaa ku faraxday in Jesus uu u furay gool-dhalinta, sababtoo ah, waligood lagama badinin haddii uu goolasha u furo laacibkan, waxaanay guuleysteen 35 ciyaarood oo Premier League ah oo uu weeraryahanka reer Brazil u dhaliyey gool halka ay laba kalena barbarreeyeen, waxaana ciyaartii 36aad ee uu gool dhaliyo oo ay guuleystaan noqotay kulankan caawa ee Burnley.

Raheem Sterling kubbad u dhiibay Riyad Mahrez oo ku jira xerada ganaaxa ee Burnley, waxaana uu xiddiga reer Algeria isku dayay inuu toogto goolka, hase yeeshee Pieters ayaa isku dhigay oo ka joojiyey.

GOOOOOAAALLLL!! Man City 2-0 Burnley – Raheem Sterling ayaa kooxdiisa hoggaanka u dheereeyey daqiiqaddii 38aad, kaddib markii kubbad uu ka shaqeeyey Riyad Mahrez uu usii gudbiyey Gundogan oo isaguna goolka usoo hor-dhigay Sterling oo aanay cidina haynin. Qaybta hore ayaana kusoo dhamaatay 2-0 ay ciyaarta ku hoggaaminaysay Man City.

Qaybtii dambe ayay Manchester City halkeeda kasii wadatay wacdaraha ay dhigaysay, waxaana bilowgiiba tijaabada ka qaaday Burnley Ilkay Gundogan oo baas qaldan oo uu ka qabsaday Mee ku toogtay goolka isagoo u jira masaafo 25 yard ah.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Burnley ayaa fursaddeedii ugu horreysay ee gool loo fishay waxay samaysay daqiiqaddii 63aad, waxaana kubbad uu Vdyra ka helay Gudmosson uu ku toogtay goolka isagoo masaafo 20 yard ah u jira, laakiin kubadda ayaa xoogaa ka dallacantay.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Manchester City.

Guushan ayaa Manchester City siisay 47 dhibcood oo ay hoggaanka horyaalka ku hayso, waxaanay saddex dhibcood ka horreysaa Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*