Man City Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig Uu Pep Guadiola Ka Jeclaaday Chelsea.

Manchester City ayaa xiiseyneysa daafaca midig ee kooxda Chelsea Reece James waxayna xiddigan qaab ciyaareedka fiican kujira ku dartay Liiska xiddigaha ay doonayaan suuqa xagaagan sida ay wararku sheegayaan.

Tababare Pep Guardiola ayaa la sheegayaa in uu la dhacsanyahay xiddiga James waxana uu doonayaa in uu ka dhigo saxiixyada uu doonayo suuqa xagaaan xilli uu isku shaandhay ku samayn doono kooxdiisa.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ayna chelsea doonayn in ay iibiso xiddiga kaas oo ku biiri doona Man City oo kula xafiiltanta premier League laakiin City ayaa doonaysa in ay wax walba u samayso helitaanka saxiixa xiddiga.

Tababare Pep Guardiola ayaa la sheegayaa in uu la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga kulankii Final-ka champions league isaga oo kooxdiisa ku soo hor dhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Guardiola ayaa James u arka badaka mustaqbalka fog ee xiddiga Kyle Walker kaas oo haatan ku jira sanadihii ugu dambeeyay ee xirfadiisa ciyaareed maadama uu 31 sano jiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*