Man City Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig U Ciyaara Tottenham.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Harry Winks ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Man City sida ay sheegayaan wararku.

Harry Winks oo xirfadiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay Tottenham ayaa ku bilowday 96 kulan isaga oo kaydka ka soo kacay 47 kulan tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo uu heshiis 5 sano ah u saxiixay sanadkii hore xiddiga 24 jirka ah ayuu booskiisa Tottenham khatar ku jira kadib markii ay kooxdu la soo saxiixatay xiddiga Pierre-Emile Hojbjerg.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Tababaraha Man City ee Pep Guardiola doonayo in uu ka faa’iidaysto xaaladaas una dhaqaaqo saxiixa xiddiga reer England.

Wararka ayaa sheegaya in uu Guardiola diyaar u yahay in uu dalab 40 milyan ah ka gudbiyo xiddiga xilli ay Tottenham u furantahay in ay dalabkaas aqbasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*