Man City Oo Saacado Yar Kadib Ogaan Doonta Go’aanka Maxkamada Kubada Cagta Ee Racfaanka Champions League.

Sugistii Man City ee go’aanka Racfaankii ay ka gudbiyeen ganaaxa champions League ayaa ogaan doona saacadaha yar ee soo socda.

Waxa ay noqon doontaa mid ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan taariikhda Man City hadii ay ku fashilmaan In ay ganaax ka qaataan ganaxa waxa ay kooxdu lumin doontaa lacag ka badan 170 milyan oo euro waxana ay soo afjari doontaa wakhtiga kooxda Pep Guardiola.

Go’aanka ka soo bixi doona maxkamada kubada cagta ayaa saamayn weyn ku yeelan doona kooxaha Chelsea, Leicester City & Manchester United kuwaas oo dhankooda sugaya go’aanka.

City ayaa racfaanka ka gudbisay ganaaxa 2 sano ah ee Laga saaray tartanka champions League kaas oo dusha laga saaray bishii February Kadib markii ay jabiyeen xeerka dhaqaale waana.

Kooxda ayaa mar walba beenisay in ay wax dambi ah galeen waxana ay ku kalsoonyihiin in uu go’aanku dhankooda u badan doono.

Sii Akhriso: War Murtiyeedka Laga Soo Saaray Shirkii Dhuusamareeb Uga Socday Maamul Goboleedyada Xubnaha Ka Ah Dowlada Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*