Man City Oo Qaadeysa Talaabo Ka Caawin Karta In Ay Messi Helaan Xagaaga, Isla Etihad Ayay Ka Bilaabayaan

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa lagu waramayaa in uu qarka u saaran yahay in hishiis  cusub u saxiixo kooxdaas ka dhisan qalcadda Etihad .

Macalinkaas hore Barcelona iyo Munich  ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee hishiiskiisa City xilli dhawaanahaan lala xariiriyay in uu dib ugu laaban doono qalcadda Camp Nou

Si waliba oo ay ahaato , The Telegraph ayaa qoreysa in Pep haatan uu u  furan yahay in qalinka iyo warqadda uu is dul saaro  waliba uu saxiixayo hishiis muddo fog ah .

Waxaa la xusayaa in  Pep oo sii jooga City ay  tahay furaha ugu weyn ee Man City ka caawin kara in Messi ay keenaan Etihad marka la eego xariirka macalinka iyo laacibkaas ka dhaxeeya

Tababare Pep ayaa City ku hogaamiyay laba jeer oo horyaalka Ingiriiska , Hal jeer oo FA  Cup iyo sedex EFL Cups ah  tan iyo markii uu yimid kooxdaas 2016-kii , waxa uuna la guuleystay 176 kulan oo qeyb ka ah 245 kulan  oo uu hogaamiyay Man City

Man City ayaa haatan ku jirta booska 10-aad ee kala sareynta horyaalka Ingiriiska ka dib 7 kulan , waxa ayna kulankooda soo socda la ciyaarayaan kooxda Tottenham marka kulamada caalimaga ah ay soo dhamaadaan.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*