Man City Oo Premier League Ka Heshay Badalka Sergio Aguero

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Tottenham ee Harry Kane u calaamadsatay badalka Tooska ah ee Sergio Aguero xilli ay raadinayso weeraryahan cusub.

Kooxda Man City ayaa suuqa xagaaga gali doonta si ay u hesho weeraryahan cusub kadib markii ay xaqiijiyeen in uu Sergio Aguero isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Man City Harry Kane u calaamdsatay badalka tooska ah ee Sergio Aguero xilli ciyaaredka dambe.

Kane ayaa xirfadiisa ciyaareed oo dhan joogay kooxda Tottenham waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda Tottenham si uu u raadsado koox uu koobab kula guulaysto xilli ciyaareedka dambe.

Kabtanka reer England ayaa kooxda Tottenham kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah taas oo la macno ah in ay Man City lacag badan u baahantahay in ay bixiso si ay u fasaxdo xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*