Man City Oo Ogaatay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Badalka Benjamin Mendy.

Kooxda Ajax ayaa lagu soo waramayaa in ay Man City u sheegtay in ay iska bixiso lacag dhan 13 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga daafaca bidix uga ciyaara ee Nicolas Tagliafico.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay ka tagista kooxda Ajax xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay laakiin sii joogay kooxda reer Holland.

Xiddiga reer Argentine ayaa xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Ajax isaga oo dhaliyay hal gool iyo 3 caawin 28 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Ajax Dhigeeda Man City u sheegtay in ay iska bixiso kaliya 13 milyan si ay u hesho saxiixa xiddiga ku fiican daafaca Bidix.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United ay xiddiga Nicolas Tagliafico u doonayso badalka Benjamin Mendy kaas oo dhaawacyo dileen tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Sii Akhiso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*