Man City Oo Markii 4-aad Xariir Ah Ku Guuleysatay League Cup-ka , Tottenham Ayay Ka Garaaceen

Ka dib ciyaar maamulkeeda ay hayeen , Man Cuty ayaa dhamaadkii ciyaarta waxa ay guul hal gool ah ka gaareen Tottenham oo finalka League Cup-ka wada ciyaarayeen .

Sheekada labada qeyb : Man City ayaa soo bandhigtay ciyaar weerar ah oo aan kala joogsi laheyn halka Tottenham kaliya ay ku jireen difaac iyo in kubadahaha rogaal celiska ah ku tiirsanaadaan waxa ayna nasiinada ku aadeen bar bar dhac bilaa goolal ah .

City qeybtaas hore si waliba ayay kubadda u gaarsiiyeen goosha Tottenham balse goolhayaha Tottenham ayaa si cajiib ah kubado xaqiiq ahaa ka bad baadinayay Man City.

City waxa ay qeybtaas hore , Tottenham ku aruuriyeen aagga gooshooda waxa ayna kubadda ku hayeen aagga kooxdaas White Hart Lane ka dhisan kuwaasi oo dhibaato ku qabay in kubadda iska soo fogeeyaan .

City kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen waxa ayna Tottenham ku dileen baasas xilli Riyad uu wacdro dhigayay halistana dhankiisa ayay ka imaaneysay xilli Raheem isna uu ku soo muuqday heer ciyaareed wacan .

Soo laabashadii , Totetnham daqiiqaddii 46-aad kubad gool xaqiiq aheyd ayaa waxaa si cajiib ah uga bad baadiyay goolhayaha City, waxa ayna Tottenham ku soo galeen ciyaar dar iyo cadaadis leh .

Ka dib dhacadaas , Man City maamulkoodii ayay dib u ceshteen kaliya nasiibka goolka ayaa ka maqnaa waa ayna cadaadinayeen balse Tottenham daafac ahaan aad ayay u adkaayeen xilli mararka qaarna halis ku ahaayeen rogaal celika .

City fursado muhiim ah ayay qasaarinayeen waxaana u sabab ahaa go`aanada deg deg ah ee ay qaadanayeen guud ahaan kubadda iyaga ayaa maamulayay cagtana ay ugu jirtay

Tottenham kaliya kubadaha rogaal celiska ayay ku tiirsanaayeen xilli cadaadiska City uu ku yimid gool ka dib kubad free kick aheyd waxaana gool madaxa ah ku dhaliyay Aymeric Laporte daqiiqadii 82-aad halka daqiqiadii 84-aad badel lagu soo giliyay Rodri oo loo saaray Fernandinho

City dhamaadkii fursado kale ayay iska sii qasaariyeen , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay City ku qaadeen koobka League Cup-ka

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*