Man City Oo Loo Soo Bandhigay Xiddiga U Ciyaara Atletico Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddiga Joao Felix ka iibiso kooxda Man City xagaaga.

22 jirkan ayaa ku dhibatooday in uu qaab ciyaareed fiican ku soo hor dhigo goolka hortiisa isaga oo kaliya dhaliyay 3 gool 18 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Xiddiga reer Portugal ayaa la rumaysanyahay in uu bartilmaameed u yahay kooxda Man City iyada oo uu Pep Guardiola taageere u yahay xiddiga reer Portugal.

Sida laga soo xigtay O Jogo, Atletico Madrid ayaa diyaar u ah in ay Man City ka iibiso xiddiga Felix xagaaga hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu Felix diyaar u yahay in uu ku biiro premier league si uu uga hoos ciyaaro tababare Pep Guardiola.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*