Man City Oo Loo Sheegay Sababta Ay Uga Shalayn Doonto Iibinta Gabriel Jesus & Raheem Sterling

Manchester City ayaa laga yaabaa inay ka shalayso iibinta xiddigaha Gabriel Jesus oo ay ka iibisay Arsenal iyo Raheem Sterling oo ay ka iibisay chelsea sida uu qabo weeraryahankii hore ee Sergio Aguero.

Jesus oo ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Arteta ayaa Gunners ugu biiray lacag dhan 45 milyan ah isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

Sterling ayaa sidoo kale 45 milyan oo euro ugu biiray kooxda Chelsea isaga oo isna qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.

Aguero ayaa labada xiddigba kula ciyaaray Etihad intii uu joogay kooxda waxana uu sheeay in ay Man City samaysay khalad markii ay fasaxday labada xiddig.

“Labada ciyaaryahanba waxay ahaayeen kuwo muhiim u ah nidaamka City,” Aguero ayaa u sheegay Stake.com.

“Waan hubaa in City ay aad u tabi doonto iyaga maadaama ay yihiin ciyaartoy heer sare ah”ayuu sii raaciyay.