Man City Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Theo Hernandez

Kooxda Man City ayaa loo sheegay in ay bixiso ugu yaraan 60 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee kooxda Ac Milan ee Theo Hernandez, sida lagu sheegayaan wararku.

Kooxda Difaacanaysa Premier League ayaa la rumaysanyahay in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga daafaca reer France marka uu furmo suuqa xagaaga.

Kooxda Ac Milan ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga Hernandez kaliyana waxa ay badali doontaa go’aankeeda hadii ay hesho dalab lacageed oo u dhexeeya 60 ilaa 70 milyan oo euro.

Xilli uu Benjamin Mendy ganaaxanyahay kooxda Man City aya daafaca Bidix ka ciyaarsiisa xiddiga Oleksandr Zinchenko, tababare Guardiola ayaana doonaya daafac Cusub oo booskaas ka ciyaara.

Wararka ayaa sheegaya in uu Guardiola aad ula dhacsan yahay xiddiga Hernandez kaas oo uu si gaar ah ula socday muddo 2 sano ah lana dhacay qaab ciyaareedka xiddiga dhinac walba.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*