Manchester City ayaa la sheegayaa inay ka fiirsanayaan inay u dhaqaaqaan saxiixa kabtanka Crystal Palace, Marc Guehi.
BBC Sport ayaa werisay in City ay xiisaynayaan xiddiga xulka England kadib markii ay la kulmeen laba dhaawac oo waaweyn intii lagu jiray kulankii ay Axaddii la ciyaareen Chelsea.
Daafacyada dhexe ee koowaad ee kooxda, Josko Gvardiol iyo Ruben Dias, labaduba waa laga saaray ciyaarta barbaraha 1-1 ku dhammaatay ee ka dhacday Etihad Stadium, taasoo keentay in kooxda Pep Guardiola ay sii luminayso dhibco kale tartanka hanashada horyaalka Premier League, iyagoo ka sii fogaanaya hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Arsenal.
Arrintaasi waxay ka dhigtay Nathan Aké iyo Abdukodir Khusanov inay noqdaan ikhtiyaarrada kale ee keliya ee laga heli karo bartamaha daafaca, iyadoo John Stones uu horeyba ugu maqnaa dhaawac.
Guardiola ayaa sidoo kale dib uga yeertay Max Alleyne amaahdii uu ku joogay Watford si uu gacan uga geysto yaraanta tirada ciyaartoyda.
Hadda, City ayaa u jeedisay diiradda daafac dhexe oo cusub suuqa kala iibsiga ee Janaayo, waxaana ka mid ah xulashooyinka xiddiga xulka England ee Guehi.
Kabtanka Palace ayaa galay lixda bilood ee ugu dambeysa qandaraaskiisa ee Selhurst Park.
Waxa uu ku dhawaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool suuqii xagaaga ka hor inta uuna heshiisku bur-burin saacadihii ugu dambeeyay.
Be the first to comment