Man City Oo Liverpool Ku Ciriirinaysa Badalka Fernandinho, Waa Xiddig Tayo Leh.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ku dartay xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jude Bellingham liiska xiddigaha ay doonayso suuqa kala iibsiga xagaaga 2022.

Xiddigii hore ee kooxda Birmingham City ayaa si deg-deg ah ula qabsaday nolosha Germany waxana uu xilli ciyaareedkii hore ciyaaray 46 kulan tartammada oo dhan wuxuuna dhaliyay 4 gool isla markaas sameeyay 5 caawin.

Heshiiska Bellingham ayaa dhici doona xagaaga 2025 laakiin xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha Liverpool iyo chelsea kuwaas oo doonaya xiddiga 18 jirka ah.

Haatan, Daily Star ayaa sheegaysa in ay Man City isku diyaarinayso in ay ku biirto tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Bellingham, kaasoo ay u arkaan inuu yahay bedelka ugu fiican Fernandinho.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa dhawaan sheegaya in ayna Dortmund doonayn in ay iibiso xiddiga inkasta oo ay Liverpool diyaar ula tahay lacag dhan 80 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*