Man City Oo Laga Aqbalay Dalab Ay Ku Doonaysay Xiddig Premier League Ka Ciyaara.

Kooxda Bournemouth ee u dhaadhacday horyaalka championship-ka ee heerka 2-aad ee England ayaa dalab 41 milyan ah ka aqbashay kooxda Man City kaas oo ay kaga doonaysay daafaca Nathan Ake.

Wadahadalada labada kooxood ee ku saabsan daafaca reer Holland ayaa bilowday ka hor intii uuna dhamaan premier League xilli ciyaareedkan laakiin hadhistii Bournemouth ka hadhay premier League ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga 25 jirka ah isaga tagi doono kooxda.

Ake ayaa Bournemouth ku soo biiray xagaagii 2017 isaga oo 20 milyan kaga soo biiray chelsea waxana xiddiga lala xidhiidhinayay in uu ku laabanayo Chelsea laakiin City ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga.

City ayaa lala xidhiidhinayay difaacyo badan tan ilaa markii uu Vincent Kompany ka tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay u muuqataa in ay helayso Ake.

Ake ayaa ciyaaray 29 kulan oo Premier League xilli ciyaareedkii hore isaga oo noqday xiddigii ugu qaalisanaa ee ay Bournemouth iska iibiso kadib 40 milyan oo lacag kaash ah iyo hal milyn oo guno ah.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*