Man City Oo Ku Duuleysa Tottenham , Xididg Mhiim Ah Ayay Ka Ishaarteen

Man City ayaa ku duuleysa kooxda Tottenham waxa ayna ka dooneysa mid ka ah xiddigaha ka ciyaara qadka dhexe .

Wargeyska The Sun ayaa qoraya in Man City ay isha ku hayaan saxiixa qadka dhexe Tottenham ee Harry Winks

Winks oo aayihiisa kubadda cagta ku qaatay Tottenham ayaa sanadkii hore qalinka ku duugay hishiis 5 sano ah balse 24 sano jirkaas waxa uu ka baqayaa in booskiisa uu dal daloolo ku yimaado maadaama Tottenham ay la soo hishiiyeen Pierre-Emile Hojbjerg.

Hadaba Man City ayaa dooneysa in ay ka faa`ideystaan xaaladdaas waliba ergo ayay u direen wakiilka laacibkaasi Harry Winks

Man City ayaa haatan la xusayaa in ay diyaar u yihiin in dalab 40 milyan ah ka geeyaan saxiixa Winks waana qiimo aysan diidi doonin Tottenham marka la eego xaaladda maaliyadeed ee dunida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*