Man City Oo Ku Dur-durisay Sevilla , Haaland Gool Mage Ooman, Ac Milan-na Bar-bar Dhac Ayay Gashay

Man City ayaa guul ku biloowday Champion-ka ka dib markii ay ka gaareen Sevilla oo ay marti ugu ahaayeen lugta koowaad ee wareegga Group-yada Champion-ka

Sevilla biloowgii kubadda in ay la qeybsadaan ayay isku dayeen balse City waa diideen waxa ayna raadiyeen dal daloolada Sevilla kuwaasi oo si ka bad badis ah banaanka ugu soo baxayaya waxa ayna nasiinada ugu direen hal gool oo uu saxiixay Haaland .

Biloowgii City waxa ay sameynayeen farsamo boosaska ay isugu badalayeen waxaana la arkayay De Bryune oo booska weerarka labaad ciyaarayay .

Soo laabashadii City waxa ay ku guuleysanayeen in kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Sevilla ilaa gool labaad daqiiqadii 58-aad uu saxiixay Foden , waxa ayna kooxda reer Spain ka sheegteen in kubadooda gaabis aheyd mar waliba oo ay isku dayaan in ay dhisaan

Ka dib goolkaas labaad , City iyaga ayaa ku badnaa kubadda waana laga filan karay goolal dheeraad ah xlli Sevilla laga xertay goob waliba oo ay kubadda marsiin kareen taasi oo keentay in kubadda meel fog ka toogtaan balse ma aheyn mid ku filan

City gool sedexaad ayay dhaliyeen waxaana labeystay Haaland daqiiqadii 67-aad , ka dib macalin Pep laacibka iyo xiddigaha kale ee muhiimka u ahaa waa uu badalay maadaama natiijada uu dhan u riday .

City dhan waliba waa ay ka wacnaayeen Sevilla , waxaana xusid mudan in marka laga yimaado kulankaan in City ay kooxda reer Spain ku garaaceen laba kulan hore oo Champion-ka ah , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay afar gool ee ay City ku badisay ka dib markii waqtiga dheeriga uu dhaliyay Diaz goolka afaraad

Dhanka kale AC Milan ayaa bar bar dhac la gashay Salazburg oo ay ku hishiiyeen min hal gool , Milan inkastoo kubad hayashada ay ku wacnaayeen hadana waxa ay ka sheegteen dhameystirka

Sidoo kale garabka middig ee Milan ma aheyn mid wacan .