Man City Oo Ku Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay, Weeraryahan Ayay Heshiiska Shaqsiga Ah La Meel Dhigeen.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis shaqsi ah la gaartay weeraryahanka Valencia Ferran Torres ka hor fuirtaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

20 jirka ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareeedkan isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale 43 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Qandaraaska uu kula joogo kooxda Valencia ayaa dhici doona xagaaga soo aadan, inkastoo mustaqbalkiisa uu ahaa mid si weyn looga hadalhayay bilihii lasoo dhaafay.

Manchester United, Real Madrid iyo Juventus ayaa ka mid ah kooxaha xiisaha u muujiyay xiddiga reer Spain aakiin sida laga soo xigtay Eurosport, Torres ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray City.

Wararka ayaa sheegaya wakiilada xiddiga da’yarka ah la kulmeen kooxda Premier League arbacadii, halkaasoo’ heshiis guud ‘lagu gaadhay

Torres ayaa dhaliyay afar gool shan kalena caawiye ka ahaa 33 kulan oo La Liga xilli ciyaareedkan ah.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Beesha Caalamka Runta Uga Sheegtay Sababta Ay Dib Ugu Dheceen Wadahadaladii Somaliland & Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*