Man City Oo Ku Dhaw Daafac Ka Xamaasha Horyaalka France

Man City ayaa lagu waramayaa in ay u dhaw yihiin saxiixa daafaca kooxda Monaco ee Benoit Badiashile kaasi oo ay  doonayaan inta suuqa jiilalka furan yahay

Sidaas oo ay tahay City ma jiro deg deg  haya xittaa waa ay sugi karaan haddii aysan helin inta suuqaan uu furan yahay

RMC Sport ayaa tilmaameysa in City haatan hor mar ka sameysanayaan saxiixa 20 sano jirkaan u dhashay France

Kooxo kale oo Ingriiska ah yaa doonaya laacibkaasn waxaana ka mid ah Newcastle United iyo Westham balse City ayaa ah gacanta sareysa illaa iyo haatan maadaama laacibka uu doonayo Champion-ka

Sidaas oo ay tahay waxa uu hishiiskiisa Monaco uu dhacayaa xagaaga 2024-ka  mana dooneyso kooxda reer France in qiimo jaban ku sii daayaan da`yarkaas

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*