Man City Oo Ka Taqalustay FC Porto, Qeybtii Labaad Ayay Natiijada Ku Rogeen

Sheekada ciyaarta : City iyo FC Porto ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli City goolka looga naxsaday waqti hore

Ciyaarta ayaa aheyd mid labada dhinac u furan inkastoo City ay ku badneyd kubadda waxaana goolka lagu helay daqiiqaddii 14-aad halka kooda heleen daqiiqaddii 20-aad waxa uuna ahaa gool rikoore uu ku dhaliyay Aguero .

Labada goolhaye ayaa door weyn ku lahaa natiijadaas xilli City ay ku adkeyd in ay xal u helaan maadaama FC Porto daafac ahaan ay ahaayeen ku adag .

Qeybta labaad Man City waa ay ku badnaayeen kubadda waliba goolhayaha FC Porto ayaa hor taagnaa halka dhankooda ay halis ugu jireen in gool looga dhaliyo qaladaad uu sameeynayaya Walker .

Heerka kubad haysashada Man City wax aay gaareysay mararka qaar %71 balse gool ayaa ka maqnaa xilli Mehraz uu ahaa ninka ay ka go`an tahay in uu shabaqa soo taabto .

FC Porto waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah xilli farsamo ahaan ay wacnaayeen waxa ayna City u diideen in afka hore si fog u soo gaaraan .

Dadaalii City , waxaa ku yimid gool waxaana Free Kick qurxoon ugu dhaliyay Ilkay Guendogan daqiiqaddii 65-aad , waxa uuna Pep ka dib badalay Ilkay Guendogan isaga oo soo giliyay Foden halka Aguero isna la badalay waxaana la soo giliyay Ferran Torres waxa ayna arintaas dhacday daqiiqadii 68-aad

Ka dib goolkaas , City cadaadis ayay saareen FC Porto waa ayna u dhawaaanayeen gool illaa ay keeneen mid sedexaad daqiiqadii 73-aad waxaana dhaliyay Ferran Torres oo badal ku soo galay kulankaas .

City fursado muhiim ah ayaa soo maray birta iyo goolhayaha FC Porto ayaa diiday , waxa ayna ciyaarta noqotay mid hal dhinac , waxa aya City daqiiqadii 85-aad soo giliyeen Fernandinho oo loo saaray, si waliba oo ay City u dadaaleen waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 3/1 oo ay City guusha ku raacday .