Man City Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Barcelona Ee Saxiixa Raheem Sterling

Manchester City ayaa uga digtay kooxaha ay xafiiltamaan in Raheem Sterling uusan iib ahayn, sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska xiddiga garabka ka ciyaara ee Man City ayaa dhici doona xagaaga 2023 laakiin wadahadalada heshiiska cusub ayaa joogsaday bilihii ugu dambeeyay.

Arintaas ayaa keentay warar xoogan oo xiddiga la xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda iyada oo Barcelona xiiso u qabto saxiixa xiddiga suuqa Jnauary.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Sun ayaa sheegaya in kooxda Pep Guardiola ayana wax xiiso ah u hayn in ay iska iibiso xiddiga suuqa January sabab la xidhiidha in ay aad u qiimeeyaan xiddiga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in uu Sterling doonayo in uu joogto ugu ciyaaro kooxda ka hor inta uuna wadahadalo heshiis cusub ah la furin kooxda.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*