Man City Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Bernardo Silva U Wareegayo Barcelona

Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa ka hadlay xalaadda Bernardo Silva oo si weyn loola xariirinayo kooxda Barcelona

” Marar badan ayaan sheegay waan ku raaxeystaa laylinta Silva” ayuu yiri Pep oo kulan wareedka kulanka West Ham ka hadlayay

” Waxaan rajeynayaa in Silva halkaan sii joogo , waa xiddig cajiib ah balse ma ogi waxa dhacaya waayo waxaan u baananahay xiddigo faraxsan”.

Mar kale ayaa toos loo weydiiyay in Silva uu baxayo iyo in kale waxa uuna ku jawaabay ” ma dhihin wuu baxayaa ,jawabataan oo kale isla xilli ciyaareedki hore ayaan bixiyay ”

” Su`aashaan todobaad waliba ayaad i weydiisaan anna waxaan rabaa in aan sii haysto xiddigaha wax ku oolka ah , waxaan doonayaa %100 Silva halkaan sii joogo”‘

Sidaas oo ay tahay ” haddii ay jirto rabitaan ah in uu baxo uuna haysto dalab ayna hishiiyeen labada koox taasi waa sheeko kale balse illaa haatan wax dalab ah ma aynu helin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*