Man City Oo Ka Faa’iidaysa Heshiiska Uu Jadon Sancho Ugu Biiri Doono Man United, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Man City ayaa jeebka ku shuban doonta lacag dhan 15 milyan oo euro hadii ay Man United dhamaystirto saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

United ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Borussia DOrtmund waxna la filayaa in ay xiddiga ka bixiso lacag dhan 100 milyan oo euro iyo lacago gunooyin ah.

City ayaana lacag 15% jeebka ku shuban doonta kaas oo ay ku xidhay markii uu Sancho ka tagay Kooxda 3 sano ka hor.

Kooxda Man City ayaa shardigaas ku xidhay xiddiga 20 jirka ah markii uu 8-da milyan kaga biiray Dortmund 3 sano ka hor.

Sancho ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis  5 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.

Laakiin waxa uu lacag fiican u shaqayn doonaa kooxdiisii hore marka uu Old Trafford ka soo dago inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*