Man City Oo Jabisay Rikoodh Ay Liverpool Ka Dhigtay Caraboa Cup-ka

Kooxda Man City ayaa iska xaadirisay Final-ka Carabao Cup-ka kadib markii ay garaacday kooxda Man United kulan ka tirsanaa Semi-final-ka tartanka kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Goolal ay dhaliyeen john Stones iyo Fernandinho ayaa kooxda Man City ka caawiyay in ay gaadho finalka tartanka Carboa cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kadib guushaas kooxda Man City ayaa gaadhay Final-kii 4-aad oo xidhiidh ah tartanka Carbao cup-ka iyaga oo isku qoray taariikhda tartan.

Kooxda Man City ayaa noqotay kooxdii 2-aad ee taariikhda Carbao Cup-ka gaadhay 4 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah kadib Liverpool oo sidaas samaysay 1981 ilaa 1984.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*