Man City Oo Isha Ku Haysa Saxiixa Xiddigaha Lautaro & Koulibaly

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay rajaynayso in ay hesho saxiixa weeraryahanka Inter Lautaro Martinez iyo daafaca Napoli Kalidou Koulibaly.

City ayaa ku dhaqaaqi doonta qorshayaasheeda suuqa kala iibsiga ka dib markii laga qaaday ganaaxii Champions League.

Haatan, Sky Sports ayaa sheegaysa inay diyaar u yihiin inay Barcelona kula dagaallamaan saxiixa Martinez, kaasoo ‘diidaya inuu qandaraaska u kordhiyo’ kooxda Inter.

Man City ayaa xiddiga reer Argentine u aragta badalka mustaqbalka fog ee weeraryahanka Sergio Aguero, oo dhawaan 32 jirsaday.

Kooxda reer England ayaa joogta meel ka fiican dhanka dhaqaalaha marka loo bar-bar dhigo kooxda Barcelona oo ku qasbanaatay in ay iska iibiso xiddiga Arthur Melo.

Sky ayaa intaas ku dareysa in qandaraaskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 111 milyan oo euro taas oo ay kooxda Inter Milan sheegayso in uu dhacay todobaadkii hore.

Marka laga hadlayo Koulibaly, kooxda Napoli ayaa cadeysay ‘inay diyaar u yihiin inay iska iibiyaan hadii ay ku guuleystaan ​​saxiixa Victor Osimhen.

Dhanka kale kooxda Napoli oo markii hore ku doonaysay xiddiga lacag dhan 100 milyan oo euro yaa haatan hoos ugu dhigtay lacagtaas 70 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Qarax Weyn Oo Dhimasho & Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*