Man City Oo Hogaanka Sii Dheereysatay , Chelsea Ayay Ka Gaareen Guul Muhiim Ah

Man City ayaa guul ka gaartay Chelsea oo ay uga talaabsadeen hal gool oo nadiif ah , waxa ayna ku dheereysteen horyaalka 13 hibic xilli Chelsea oo ku xigta leeyihiin 43. dhibic

Sheekada ciyaarta : Kooxaha Chelsea iyo Man City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac  bilaa goolal ah xilli City ay ku badneyd  maamulka kubadda

Ma jirrin fursado muuqday marka laga yimaado mid City heleen balse waxaa si cajiib ah u bad baadiyay goolhayaha Chelsea daqiiqadii 44-aad

Chelsea daafac ayay ku jireen ,waxaana ku adkaa in si sax ah kubadda u soo gaarsiiyaan afka hore .

Maamulka City ee qeybtaas hore waxa uu gaarayay %66 , waxaana Chelsea ka muuqday cabsi kubadana durba cagtooda waa ay ka baxeysay .

Cadaadiska City waxa uu ka bilaabanayay qadka dhexe halka Chelsea ku adkeyd in afa hire u soo dhaqaaqaan .

Soo laabashadii , City fursad ayay cuneen halka Chelse gool cajiib noqon lahaa daqiiqadi 47-aad laga bad baaidyay Lukaku waxaana sidaas sameeyay goolhayaha City.

Chelsea qeybta labaad waa wacneed inkastoo kubadda looga badnaa xilli kooxda Tuchel ka sheeganayeen in kubadda cagtooda durba ka baxeyso .

Guud ahaan ciyaarta ma aheyn mid deg degsiimo leh waxaana mar waliba kubadda ku sareeysay kooxda Pep, waxaana City daqiiqadii 62-aad kubad gool noqon laheyd ee  Free Kick ah laga bad badbaadiyay De Bruyne .

Chelsea ayaa ku horeeysay badalka waxa ayyna Tuchel uu soo giliyay Warner iyo  Hudson-Odoi oo daqiiqadii 69-aad loo saaray Pulisic iyo Ziyach

City maamdaama xalka uu ka maqnaa oo  ah in kubadda meel fog ka toogtaan waxa ugu dambeyn keenay De Bruyne kaasi oo kubad caalami ah banaanka ka toogtay daiiqadii 70-aad ayuu shabaqa dhigay , ka dib Chelsea fursad gool noqon kartay ayaa laga bad baadiyay .

Inkastoo Chelsea gool lagu lahaa hadana ama aheyn kuwo is dhiibay oo kubadda waa ay gaarsiinayeen aagga goosha City balse halis gilin muuqata ma aheyn .

Dhamaadkii Chelsea  isku balaarinta garoonka ayay ku fiicnaayeen kubadana waa  ka xoogayeen City oo muuqday kuwo daafac galay kuna tiirsanaa kubdaha rogaal celiska ah .

Si waliba ayay Chelsea isku dayo u sameeyeen balse City kubad taxadar leh ayay ciyaarayeen waxa ayna ciyaarta ku dhameeyeen halkaas gool oo ay hogaanka ku sii dheereysteen

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*