Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay West Ham United kadib markii ay 3-0 ku garaacday kulankii wareegga 17-aad ee horyaalka Ingiriiska Premier League, kaas oo ka dhacay garoonka Etihad Stadium.
Manchester City ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 5-aad kadib gool uu dhaliyay Erling Haaland, halka Tijani Reijnders uu dhaliyay goolka labaad ee City daqiiqaddii 38-aad, kaddib caawin uu ka helay Haaland.
Daqiiqaddii 69-aad, Erling Haaland ayaa mar kale shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyay goolka saddexaad ee Manchester City.
Manchester City ayaa dhibcaheeda ka dhigtay 37 dhibcood, iyadoo si ku-meel-gaar ah hoggaanka horyaalka u qabatay, halka West Ham United ay ku hartay 13 dhibcood, kana jirta kaalinta 18-aad.
Be the first to comment