Man City Oo Hogaaminaysa Baacsiga Loogu Jiro Daafac Aad Loo Qiimeeyo.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga daafaca kooxda Villarreal ee Pau Torres sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca dhexe ayaa iska diiday in uu ku biiro Tottenham suuqii xagaaga isaga oo doortay in uu sii joogo kooxda Villarreal xilli ciyaareedkan.

Pau Torres Ayaa xulkiisa Spain matalay tartankii Euro 2021 waxana uu ka soo baxay Akademiyada Villarreal isaga oo 5 jir ah waxana uu haatan joogaa kooxdiisa haatan xirfadiisa oo dhan.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Man City ugu cad-cadahay in ay xiddiga 24 jirka ah kala wareegto kooxda Villarreal sabab marka loo eego in uu agaasimaha Man City xidhiidh fiican la leeyahay xiddiga Torres.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man City muddo dheer la socotay xiddiga reer Spain waliba ay diyaar u tahay in ay xagaaga u dhaqaaqdo marka ay qiimayso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*