Man City Oo Hishiis Is Weydaarsi U Bandhigtay Bayern Munich Si Sane U Fasaxaan

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Man City ay doonayaan in hishiis is weydaarsi ah ay la galaan Bayern Munich

Munich ayaa dhankooda aad u dooneysa xiddiga dhawaan dhaawaca ka soo laabtay ee Sane kaasi oo ay baadi goobayeen illaa iyo xagaagii hore

Waxaa lagu waramayaa in Munich hishiiska shaqsiyadeed ay la gaareen Sane kaliyana City aysan isku raacin qiimaha hishiiska

The Sun ayaa sheegeysa in City haatan la yimaadeen fikrad hishiis is weydaarsi ah iyaga oo doonaya in hishiiska Sane lagu soo darro David Alaba

Waxaa lala leeyahay arintaas waa ay adkaaneysaa marka loo eego Munich oo dhankooda doonayaa in Alaba ka saxiixdaan hishiis cusub xilli midkiisa haatan uu dhacayo xagaaga 2021-ka

Advertisements

Munic waxa ay doonayaan in Sane ay ku bixiyaan aduun dhan 40 milyan oo euro halka City ku qiimeysanayaan lacag dhan 70 milyan oo euro

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*