Man City Oo Heegan Gilisay Kooxaha Juventus Iyo Inter , Waxa Ay Shaaciyeen Qiimaha Ay Ku iibin Karaan Jesus.

Man City ayaa shaacsiay qiimaha ay uga kaaftoomi karaan xiddigooda Jesus , waxa ayna tani imaaneysaa ka dib shaki badan oo la giliyay mustaqbalka laacibka

Wiilkaas reer Brazil ayaa lala xariirinayaa in uu ka huleelayo City marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado ama ugu yaraan kan xiga

Horyaalka Italy ayaa si weyn looga doonayaa Jesus waxaana ugu cad cad kooxaha Juventus iyo Inter Milan

The Sun ayaa haatan soo xiganeysa in City ay dul dhigeen qiimo adag iyaga oo uga gon leh in ay ka ka hor istaagaan kooxaha doonaya saxiixiisa”.

Mamulka City ayaa shaaciyay in aysan ogalaan doonin wax ka yar 70 milyan oo lacagta euro ah

Waxaa xusid mudan in hishiis Jesus ee Man City uu dhacayo xagaaga 2023-ka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*