Man City Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Aston Villa , Horyaalka Ayay Si KMG Ah U Qabteen

Ka dib ciyaar adkeyd, Man City ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Aston Villa oo ay ku garaaceen laba gool oo nadiif ah

Qeybta hore , waxa ay labada koox soo bandhigeen ciyaar adag xilli City ay weerar ahaan ay halis aheyd balse xalka ayaa ka maqnaa

Aston Villa waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah mararka qaarna halis ayay ahaayaen xilli City goolhayaha iyo nasiibka uu u diiday gooolka.

Raheem , waxa uu qeybtaas hore ku jahwareersanaa garabka bidix ee laga ciyaarsiinayay balse guud ahaan City aad ayay u wacnaayeen .

Qeybta labaad , dar dartii halkii ayay ka sii socotay waana la filan karay gool xilli City daqiiqaddii 53-aad ay birta kaga dhacday kubad gool aheyd waxaana lahaa Cancelo .

Aston Villa halis ayay ahaayeen waliba toos ayay u tagayeen goosha City balse goolhayaha ayaa foojignaa oo bad baadinno sameeynayay

Kubadda labada dhinac waxa ay aheyd mid deg degsiimo leh inkastoo City ay ku badneyd maamulka waxa ayna ugu dambeyn tageen shabaqa Aston Villa .

Ka dib weerar iyo weerar celis , City gool neefta ka fujiyay ayay heleen waxaana dhaliyay Bernardo Silva ka dib kubad uu ka shaqeeyay Ruben Dias waxa ayna aheyd daqiiqadii 79-aad

Balada City ee kulankaan wax aay biloowdeen daqiqiadii 28-aad waqtigaas oo la saaray Walker laguna badalay Zinchenko , Jusus oo la soo giliyay daqiiqadii 59-aad xilligaas oo loo saaray De Bryune ka dib Streling ayaa la saaray oo lagu badalay Mehraz daqiiqadii 72-aad

Guud ahaan Man City kubadda iyaga ayaa maamulayay waa ayna u qalmeen guul xilli Aston Villa ay bandhigeen ciyaar dhan waliba ka dhameystiran waliba daafaca ahaan , waxa ayan City dhamakdii keeneen gool labaad waxaana saxiixay Ilkay Gundogan daqiqiadii 90-aad waxa ayan aheyd rigoore

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*