Man City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Kooxda Sheffield United, Walker Ayay Uga Mahad-celinayaan.

Kooxda Man City ayaa ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda dhibaatoonaysa ee Sheffield United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa kulanka ku bilaabatay qaab maamul ah iyaga oo Sheffield United u diiday in ay qaadaan weerar ama ay helaan kubada in badan.

Kooxda Man City ayaa xitaa Sheffield United U diiday in ay xitaa goolkeeda gaadho 20-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee ciyaarta qaybtii hore.

Daqiiqadii 28-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Kyle Walker kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Man City ayaa sii laba jibaartay weerarada iyo samaynta fursadaha iyaga oo helay fursado cajiib ah laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadaha.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man City 1/0 ku hogaaminayso ciyaarta laakiin gabi ahaan dili lahayd marka loo eego fursadaha ay sameeyeen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Kooxda Sheffield United si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo aad mooday in ay soo heleen dhiiri galin dheraad ah.

Sheffield United ayaa samaysya fursado waali ah iyaga oo Goolhayaha Man City ku qasbay in uu sameeyo Badbaadino waali ah oo uu goolkiisa ku badbaadinayay.

Daafaca iyo Goolhayaha Man City ayaa si fiican u difaacday goolka ay ku hogaaminayaan ciyaarta xilli weerarada Man City ay iska khasaarinayaan fursadaha ay ku helaan ciyaarta si ay u sii dheeraystaan natiijada.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guul muhiim ah jeebkana ku dhubteen 3 dhibcood oo muhiim ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*