Man City Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Saxiixa Lionel Messi

Kooxda Man City ayaa gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi sida uu sheegay khabiirka reer Spain ee Semra Hunter.

Kadib markii uu dagaal la galay kooxda Barcelona bilihii ugu dambeeyay Messi ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda kadib markii uu warqada bixitaanka u gudbiyay.

City ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad saxiixa Lionel Messin laakiin Semra Hunter Ayaa sheegay in uuuna Pep Guardiola haysan lacag uu kula soo saxiixdo Lionel Messi xitaa hadii uu xor noqdo maadama uu mushaharkiisu aad u badan yahay.

Semra Hunter ayaa sheegay in ilo wareedyo ku dhaw Man City u sheegeen in ayna wax niyad ah u hayn in ay u dhaqaaqaan Lionel Messi albaabkna ka xidheen.

Semra Hunter ayaa sheegay in ay laba sabab ka dambayso go’aanka ay Barcelona uga hadhay saxiixa Messi waxana ay ka yihiin mushaharka uu qaadanayo xiddigu oo aad u badan iyo waliba da’diisa oo aad u weyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*