Man City Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Raheem Sterling

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Raheem Sterling iyada oo kooxdu isku dayayso in ay lacag u uruuriso saxiixa xiddigaha Harry Kane iyo Jack Grealish suuqa xagaagan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa la sheegayaa inay isha ku heyso inay dhameystirto labada saxiix ee xiddiaha Kane iyo Grealish suuqa xagaagan si ay u dhisaan koox u tartami karta champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay The Athletic, kooxda heysata Premier League ayaa diayar u ah in ay iska iibiso xiddiga Sterling inkasta oo uu xiddigu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay tartankii Euro 2020.

26-sano jirkaan ayaa dhaliyay seddex gool sidoo kale caawiye ka noqday hal gool oo kale 7 kulan oo uu xulka England ciyaaray tartankii euro 2020.

Xiddiga ayay 2 sano uga dhimantahay heshiiskisia kooxda Man City waxana uu noqon doonaa xiddig aad loo raadiyo hadii suuqa la dhigo suqua xagaagan waxana ay kooxdu doonaysaa in ay iska iibiso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*