Man City Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Lionel Messi.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Man City gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Man City ayaa ka mid ahayd kooxaha donayay saxiixa xiddiga reer Argentine si la mid ah kooxda PSG laakiin kooxda Man City ayaa isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in sababta ay Man City uga hadhay baacsiga Lionel Messi tahay in ay kooxdu doonayso in ay muhiimada siin doonto la soo saxiixashada xiddig weerarka ka ciyaara.

Man City ayaa go’aankan gaadhay kadib markii ay xaqiijisay in uu xiddiga Sergio Aguero isaga tagi doono kooxda Man City marka uu dhoco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheeaya in ay haatan jirto suurtagalnimo uu Lionel Messi heshiis cusub ugu saxiixi doono kooxda Barcelona kadib markii uu Joan Laporte madaxweyne u noqday kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 7 Wado Oo Cajiib Ah Oo Aad “Waan Ku Jecelahay” Ugu Odhan Karto Gacaliyahaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*