Man City Oo Gaadhay Guushii 14-aad Oo Xidhiidh Ah Premier League, West Ham Ayay Garaaceen.

Kooxda Man City ayaa sii wada guulaha xidhiidhka ah ee premier League iyaga oo garaacay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo West Ham iska caabin xoogan kala hor tagtay hogaamiyayaasha horyaalka premier League.

Man City ayaa ciyaarta maamulaysay xilli ay West Ham difaac adag ku jirtay iyaga oo Man City ka hor istaagay in ay si fudud u dhaliyaan goolal.

Dhanka kale West Ham ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galiyeen daafaca kooxda Man City kuna doonayeen goolal.

Daqiiqadii 30-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Ruben Dias kaas oo madax u badalay karoos uu soo dhigay xiddiga Kevin De Bruyne.

Kooxda West Ham ayaa bilowday in ay ciyaarta ku soo laabato waxana ay qaadayeen weeraro rogaal celis ah oo ku heleen fursado fiican.

Daqiiqadii 43-aad ayay West Ham dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Michail Antonio kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood bar-baro yihiin Waliba West Ham iska caabisay hogaamiyayaasha Premier League.

Qaybta Dambe:

Man City ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay ciyaarta qaa dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay mar kale hogaanka u qabtaan ciyaarta xilli ay West Ham oo ku faraxsanayd in ay bar-baro kala baxaan kulanka difaacasho ku bilowdeen ciyaarta.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal iyaga oo maamulayay ciyaarta kana awood badnaa West Ham.

Daqiiqadii 68-aad ayay man City dhalisay goolka 2-aad waxana markan u dhaliyay daafaca John Stones kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

West Ham ayaa doonaysay in ay ku soo laabato ciyaarta halka ay Man City doonaysay in ay dhaliso gool ay ku disho ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sii waday guulaha waliba gaadhag guusheedii 14-aad oo xidhiidh ah Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*