Man City Oo Faa’iido Ku Qabta Ku Biirista Jadon Sancho Ee Man United.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay hesho gunno labaad markii Jadon Sancho uu dhameystiro ku biiristiisa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United xagaagan.

Xiddiga Sancho ayaa qarka u saaran inuu dib ugu laabto England ka dib markii United ay heshiis 72.9 milyan euro ah la gaartay Borussia Dortmund Arbacadii.

21 jirkaan ayaa afartii sano ee ugu dambeysay ku qaatay Dortmund isaga oo kaga soo biiray kooxda Man City sanadkii 2017-na ugu soo wareegay 8 milyan oo euro isaga oo dhaliyay 50 gool 64 caawin 137 kulan oo uu u ciyaaray Dortmund.

Haatan Man City ayaa ka faa’iidaysa ku biirista Sancho ee Man United iyada oo Telegraph sheegayo in ay United heli doonto laba guno oo lacag ah.

Lacagta ugu horaysa ayaa ah 9.74 milyan euro taas oo ah shardi ay Man City ku xidhay markii ay Ka iibinaysay Dortmund halka ay Kooxda Man City heli doonto lacag dhan 1.46 milyan euro marka uu ku biiro kooxda Man United.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*